(Somalia) 25 Abriil 2018. Xulkeena ayaa markii ugu horreysay isa soo taagay Finalka Cecafa Under -17 kaddib markii ay Galabta gool Madi ah kaga adkaadeen Uganda.
Madaxwayne Farmaajo ayaa Hambalyo iyo fariin gaaban u soo diray wiilasha dalka u soo hoyay Guusha Qaran.
“Waxaan u hambalyeynayaa Xulkeenna Qaranka ee ay da’doodu ka hooseyso 17 sano jirka oo galabta u gudbay ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika, keddib markii ay hal iyo eber kaga badiyeen Xulka Uganda.
“Waxaad sare u qaadeen sharafta dadkeena iyo dalkeena, waxaadna muujiseen karti iyo dadaal dheeri ah.
“Waxaan rajeynayaa inaad koobka lasoo guryo noqotaan Insha Allah.”. Mudane Maxamed Caddulaahi Farmaajo ayaa sidaa ku soo qoray Boggiisa Facebook.
Xulka Soomaaliya ayaa 29-ka bisha Axada soo scota ciyaarta kama dambeysta ah la ciyaari doona xulka Tansania oo iyagana galabta ka soo adkaaday Kenya.
Gool FM.