(Muqdisho) 29 Abriil 2018. Xulkeena Qaranka ee 17-jirada ayaa Galabta ciyaarta Finalka Cecafa la ciyaari doona dhigooda Tanzania.
Dhiiro galin xoogan ayay ka heleen Madaxwayne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu ugu duceeyay inay Koobka galabta u soo hoyaan umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxay Ballan qaad iyo dhiiro galin ka heleen Duqa Gobalka Banaadir Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow).
Duqa Magaalada ayaa balan qaaday inay soo dhaweyn ballaaran u sameyn doonaan xulka isla markaana la guddoonsiin doono abaal marino ay u qalmaan.
DAAWO:
Gool FM.