Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Inter Milan oo Noqotay kooxdii ugu horreysay Horyaalka Talyaaniga oo in ka badan Hal Milyan….

$
0
0

(Italy) 04 Maajo 2018. Inter Milan ayaa noqotay Naadigii ugu horreeyay horyaalka Serie A oo taageerayaasha soo xaadira garoonkeeda xilli ciyaareedkan ay kor u dhaafaan Hal Milyan.

Kulankii Derby d’Italia ay usbuucii hore San Siro kula yeesheen Juventus ayaa waxaa soo xaadiray taageerayaal dhan 78,328.

Taa oo ka dhigan in Taageerayaasha garoonkeeda soo xaadiray xilli ciyaareedkaan 2017/18 ay gaareen 1,026,177.

Kooxda tababare Luciano Spalletti ayaa weli waxaa u harsan kulan kale ay garoonkooda ku ciyaari doonaan kaa oo ay ku wajihi doonaan Sassuolo si ay tirada kor ugu sii qaadaan.

AC Milan ayaa labaad soo gashay oo waxaa kulamada mininkeeda u soo xaadiray xilli ciyaareedkan 894,502.

Napoli ayaa saddexaad ku jirta 719,503 isku cel celis kulankiiba 42,324, halka ay Juventus soo gashay Afaraad 658,917 isku cel celis 38,760.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles