(Spain) 07 Maajo 2018. Real Madrid ayaa sida cad diiday inay xalay Salaan Sharafeed u sameyso kooxda Barcelona kulankii El Clasico ay ku kala bexeen bar baraha 2-2.
Gerard Pique ayaa ku digtay kooxda ay Coltamaan isagoona sheegay in shaqaalaha kooxda Barcelona uu waydiistay inay Salaan sharafeed u sameeyaan maadaama ay Los Blancos midaa diiday.
“Maadaama aan nahay Qoys isla markaana aysan dooneyn inay nasiyaan Salaan Sharafeed, Waxaan waydiistay shaqaalaheena inay Salaan Sharafeed noo sameeyaan,” Pique ayaa sidaa yiri.
Barca ayaa weli laga adkaan la’yahay horyaalka La Liga oo waxay iminka u baahan tahay inay iska ilaaliso inay wax guul darro ah ka soo gaarto kooxaha u harsan ee Villarreal, Levante iyo Real Sociedad.
Gool FM.