Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Hal Sawir oo soo koobaya wixii xalay ka dhacay kulankii El Clasico: Garsoorka oo barkinta dheereystay, dagaalkii dhacay & Barca oo aan weli laga badin!

$
0
0

(Spain) 07 Maajo 2018. El Clasico ayaa xalay ku soo idlaaday 2-2 taa oo ka dhigan in Barcelona weli wax guuldarro ah la gaarsiin la’yahay xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.

Kulanka Barca iyo Real Madrid ayaa aalaaba ah kulan gaar ah, Muran, Dagaal, Saaxiibtinimo iyo waliba kubbad soo jiidasho leh.

Intii ay socotay ciyaartii xalay ayaa marar badan la arkay iyadoo ciyaartoyda ay murmayaan, halka qaar ay luqunta is qabanayeenn, waxaana taa barbar socday in qaarkood ay is marxabeynayeen.

Waxaa sidoo kale la arkayey qaar ka mid ah xiddigaha labada dhinac oo cabanaya, iyadoo xiddig ka tirsan Barelona kaarka cas la tusay qeybta hore ee ciyaarta, kaddib markii uu wejiga ku dhigtay Marcel.

Iniesta ayaa ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee El Clasico, balse kulankaas waxaa la eedeeyey Garsoorka kuwaasoo lagu sheegay inay ku guuldarreysteen inay xakamayn waayeen kulankaan weyn.

Hal sawir ayaa lagu soo koobay kulanka El Clasico, waxaana ugu humiinsanaa in Garsoorayaashu ay barkinta dheereysteen oo ay iska jiifeen kulanka, Barcelona oo sii ilaashatay guuldarro la’aanteeda iyadoo casaan laga qaatay, dagaalkii labada dhinac dhex-maray inta kulanku socda iyo Ramos oo qaadashada kaararkiisa iska sii wata!.

HOOS KA EEG SAWIR SOO KOOBAYA WIXII KA DHACAY KULANKII EL CLASICO:-

GOOL FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles