(England) 07 Maajo 2018. Waxaa la shaaciyey kooxda Isbuuca ee horyaalka Premier League ama 11-ka xiddig ee ugu bandhigga fiicnaa kulamadii todobaadkan la ciyaaray horyaalka Ingiriiska.
Natiijooyin kala duwan ayaa laga soo calaamadeeyey kulamadii todobaadkan la ciyaaray horyaalka Premier League, waxaana ugu weynaa guushii ay Chelsea ka gaartay Liverpool iyo kulankii sagootinta ahaa ee Arsene Wenger.
Haddaba shabakadda ciyaaraha ee Daily Star ayaa soo saartay kooxda isbuuca ee Premier League ama 11-ka ciyaaryahan ee ugu fiicnaa todobaadkan horyaalka Ingiriiska.
Kooxda Chelsea ayaa shaxdaan ku yeelatay xiddigaha ugu badan waxaana ay ku leedahay saddex ciyaaryahan, halka West Brom ay ku leedahay labo xiddig.
Shaxda kooxda Isbuuca ee Premier League halkaan hoose ka eeg:-
Goolhaye: Courtois
Difaacyada: Steve Cook, Dawson iyo Ahmed Hegazi
Khadka Dhexe: Roberto Preyra, Noble, Kante iyo Loftus-Cheek.
Weerarka: Giroud, Aubameyang iyo Lacazette.
GOOL FM.