Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

RASMI: Macallinka bisha April ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey – Yaa ku guuleystay?

$
0
0

(England) 08 Maajo 2018. Tababaraha kooxda West Bromwich Albion ee Darren Moore ayaa loo gacan geliyey abaal-marinta Macallinka bisha April ee horyaalka Premier League.

Darren Moore ayaa abaal-marintan ku guuleystay kaddib guulo waa weyn oo uu la gaaray kooxdiisa West Brom intii lagu guda jiray bishii la soo dhaafay.

Hoggaamiyaha kooxda lagu naaneyso The Baggies ayaa shan kulan guuldarro la’aan ah haatan oo ay ku jirto guushii waynayd oo ay Manchester United kaga soo gaareen garoonkeeda Old Trafford bishii hore.

Moore ayaa tallaabo weyn horay ugu dhaqaajiyey kooxda West Brom tan iyo markii shaqada kooxdaas laga cayriyey macallinkeedii hore ee Alan Pardew bishii la soo dhaafay ee isaga hoggaanka kooxda loo dhiibay.

44-sano jirkaan ayaa abaal-marintan macallinka bisha April ee Premier League kaga adkaaday Pep Guardiola, Sam Allardyce, Roy Hodgson iyo Jose Mourinho oo kula tartamayey.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles