(Europe) 09 Maajo 2018. Real Madrid ayaa daba yaaqada bishan Final ka Champions League ku wajihi doonta kooxda Liverpool.
Waxaan shaki ku jirin in Khatarta ugu wayn ay wajihi doonaan uu yahaya Maxamed Saalax oo dhabtii ku jira qaab ciyaareed aan innaba caadi ahayn.
Wiilka reer Masar ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay Liverpool u dhaliyay 43-gool iyadoo ay wali kulamo u harsan yihiin.
Jorge Valdano oo horey u soo leyliyay Real Madrid ayaa siyay Qish ay ku joojin karaan Maxamed.
Wuxuu Valdano soo jeediyay in Marcelo Maankiisa lagu sii qoro Khatarta Saalax isla markaana la siiyo Sawirkiisa si uu u sii xusuusnaado.
“Waa inay Marcelo siyaan Sawirka Maxamed Saalax si uu u bilaabo inuu ciyaartoydiisa ku darsado isla markaana uu bilaabo inuu daymo fiican u lahaado garabkiisa,” Valdano ayaa sidaa yiri.
“Daafaca Real Madrid wuxuu u baahan yahay inuu aad u feejignaado, gaar ahaan marka ay ka hor imaanayaan Liverpool maxaa yeelay waa koox isticmaasha qaladaadka kuwa ka soo horjeeda.”.
Maxamed Saalax iyo Marcelo ayaa isku qaban doona magaalada Kiev oo marti galineysa Finalka Champions League 26 ka bishan.
Gool FM.