(London) 10 Maajo 2018. Chelsea ayaa xalay bar baro la gashay Huddersfield taa oo ka dhigan inay rajo aad u liidata ka leedahay inay u soo baxdo Champions League kal ciyaareedka soo socda.
Blues ayaa u baahan inay soo adkaato kulanka u harsan isla markaana laga adkaato Liverpool si ay ugu soo baxdo koobka Dhaga waynaha.
Antonio Conte ayaa xalay keydka galiyay Hazard isagoo xitaa fariisiyay Giroud oo baryahaan shidnaa xilli ay kooxdu baahi wayn u qabtay guul.
Macallinka reer Talyaani ayaa diiday inuu xaqiijiyo mustaqbalkiisa kaddib markii kulanka kaddib la waydiiyay:
“Waxaan aaminsanahay in kulankani yahay kii ugu dambeeyay aan guriga ku ciyaaro kal ciyaaredkan, markasta waa isku mid ma hayo wax kale aan ku daro.
“Tani shaqadeyda ma ahan, waxaa jooga koox ka talineysa xaalada intaa kaddibna qaadeysa go’aanka ugu fiican.”.
Dhanka kale Conte oo sheegay in Hazard uusan keydka u galin Final ka FA Cup darteed balse uu isagu go’aansaday inuu fariisiyo maadaama uu isku shaandheyn shaxdiisa ku sameynayay.
Gool FM.