(London) 11 Maajo 2018. Chelsea ayaa Olympia London ku qabsatay xafladeeda xilli ciyaareedka iyadoona la bixiyay abaal marino dhowr ah.
Madaale N’Golo Kante ayaa ku guuleystay laacibka Sanadka ay taageerayaasha soo codeeyaan.
Willian ayaa isna loo doortay laacibka sanadka ay Ciyaartoyda u codeeyaan isagoona sidoo kale ku guuleystay goolka sanadka ee kooxda kaddib goolkii uu ka dhaliyay Brighton.
Daafaca sanadkan u soo baxay Chelsea ee Andreas Christensen ayaa loo doortay da’yarka ugu fiican Blues.
Reece James ayaa isna loo doortay laacibka Akaadamiyada Chelsea halka gabadha lagu magacaabo Fran Kirby loo doortay Laacibada Kooxda gabdhaha Chelsea.
SAWIRRO:

Gool FM.