Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Jurgen Klopp oo Wadanaha Jaray Taageerayaasha Liverpool ka hor kulankooda Final ka

$
0
0

(England) 12 Maajo 2018. Tababare Jurgen Klopp ayaa cabsi galiyay taageerayaasha Liverpool ka hor kulankooda ugu dambeeya ee Premier League ay ku wajihi doonaan Brighton.

Sadio Mane ayaa seegi kara kulankooda kama dambeysta horyaalka Ingiriiska ee Xilli ciyaareedkan.

Dhaliyaha reer Senegal ayaa jug ka soo gaartay kulankii ay guul darada kala soo kulmeen Chelsea, iyadoo ayna ku adkeyd inuu tababarka la sameeyo Reds.

Mane ayaa markale ku guul darreystay inuu tababarka buuxa la qaato kooxda jimcihii, inkastoo uu ku lug lahaa iskululeynta, Jurgen Klopp ayaa iminka looga fadhiyaa inuu go’aansado inuu khatar galiyo laacibkiisa iyo inkale ka hor final ka Champions League .

“Waan arki doonnaa, ma ahan isla dhaawicii hore. Waa dhibaato cusub,” Klopp ayaa sidaa yiri.

Warkaas ayaana aad u cabsi galiyay taageerayaasha Liverpool ee ku sugan daafaha Caalamka.

Kulanka Brighton ayaa muhiim u ah kooxda Jurgen Klopp maadaama ay hal dhibic u baahan yihiin si ay ugu soo baxaan Champions Leauge kal ciyaareedka soo socda.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles