(Madrid) 09 Maarso 2016. Cristiano Ronaldo ayaa lagu wadaa inuu markale aabe noqdo sida ay warinayaan warar cusub oo la helayo.
Laacibka reer Portugal ayaa waxaa u jooga wiil yar oo shan jir ah Cristiano Jr, laakiin marna lama shaacin cida ay tahay hooyada dhashay wiilkan.
Jariiradda Correio da Manha ee ka soo baxda dalka Portugal ayaa sheeganeysa in Ronaldo uu muujiyay inuu markale aabe noqon doono kaddib kubbadii uu caloosha gashtay mar uu gool u dabaal degayay.
Kabtanka xulka Portugal ayaa caloosha gishtay kubadda mar uu u dabaal degayay mid ka mid ah afartii gool uu dhaliyay kulankii ay Real Madrid 7-1 uga adkaatay kooxda Celta Vigo.
Waxaa la warinayaa in laacibku uu booqday Miami waqtigii fasaxa ciida gaalada si uu u ballaariyo qoyskiisa waxa ayna sheeganeysaa jariiradda Correio da Manha in Ronaldo uu adeegsan doonaa hooyo ilmaha qaab gacan ku rimis ah loogu beerayo.
Laacibka ugu goolasha badan taariikhda Real Madrid iyo tartanka Champions League ayaa kol hore tilmaamay rabitaankiisa ku aadan inuu mustaqbalka helo 5 ama 6 Ronalad-yaal.
Gool FM.