(Brussels) 18 Maajo 2018. Sida uu ku dhawaaqay xiriirka kubadda cagta Waddanka Belgium, tababare Roberto Martinez ayaa heshiiska u kordhiyey xulka qaranka Belgium.
Xulka Red Devils lagu naanayso ayaa ku dhawaaqay maanta inay macallin Martinez ka saxiixdeen heshiis cusub oo ku eg illaa sanadka 2020-ka.
Waxaa xilka tababarenimo ee xulka qaranka Belgium macallin Martinez loo doortay bishii Agoosto ee 2016-kii, waxaana uu xulka sanadkaan kala qeyb galayaa Koobka Adduunka 2018.
Tan iyo markii uu Martinez la wareegay shaqada xulka Belgium waxa uu ku hogaamiyey 12 guul iyo afar barbaro 17-kii kulan oo uu laylinayey xulka tan iyo bishii Agoosto sanadkii 2016-kii.
Xulka Belgium waxa uu warbixin kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey in macallin Martinez uu xulka u saxiixay qandaraas cusub oo labo sanadood ah.
Signed !
#2MoreYears #REDTOGETHER
![]()
#WorldCup pic.twitter.com/s6uBawweSZ
— Belgian Red Devils (@BelRedDevils) May 18, 2018
Gool FM.