(Europe) 20 Maajo 2018. Sida uu sheegayo Canal Plus ee dalka Faransiiska in heshiiska ay Liverpool kula soo wareegeyso xiddiga Lyon ee Nabil Fekir uu dhammeystiran yahay Boqolkiiba Sagaashan iyo Sagaal 99%.
Fekir ayaa ah weeraryahanka ay mudnaanta kuuwaad siineyso Reds xilli ciyaareedka cusub waxaana la fahsan yahay inuu noqon doono saxiixa uu Jurgen Klopp sameyn doono suuqa xagaaga.
Xiddiga reer France ee ka ciyaara qadka dhexe ee weerarka ayaa shaki galiyay mastaqbalkiis mar wax laga waydiiyay isla markaana sheegay inuu diirada uun saarayo sidii uu kooxdiisa ugu soo saari lahaa Champions League oo uu markii dambe ku guuleystay.
Balse Canal Plus ee dalka Faransiiska ayaa sheegaya in heshiiska uu Fekir ugu dhaqaaqayo Anfield uu dhammeytiran yahay 99%.
Waxaa la fahansan yahay in wiilka reer France uu Merseyside ugu dhaqaaqi doono adduun dhan 62 milyan oo bound.
Gool FM.