(Brazil) 22 Maajo 2018. Neymar ayaa Helikobtar lagu geeyay xerada uu ku tababaranayo xulka Brazil ee isku diyaarinaya koobka Adduunka ee ku taala Teresopolis.
Douglas Costa, Thiago Silva iyo Renato Augusto ayaa safarka ku wehliyay xiddiga ugu qaalisan kubbada cagta adduunka, saxaafadana looma ogoleyn inay soo xaadirto goobta oo waxaa xogtan shaaciyay warbaaxinta Rasmiga ah ee xulka Qaranka Brazil.
Qorshaha laga damacsanaa arrinkaan ayaa ahaa in Neymar laga ilaaliyo inuu saxaafada kala kulmo su’aalo ku aadan dhaawiciisa Canqowga iyo kuwa ku aadan mustaqbalkiisa.
Xiddigaha xulka Brazil ayaa xerada xaadir ku wada ahaa marka laga reebo kuwa ciyaaraya Final ka Champions League Casemiro, Marcelo iyo Roberto Firmino, iyo kuwa la siiyay fasax dheeri ah maadaama uu goor dhow dhammaaday horyaalada ay ka ciyaarayeen sida Philippe Coutinho, Alisson Becker iyo Miranda.
Xulka lagu naaneyso Samba ayaa axada u soo safri doona London si ay kulan saaxiibtino Liverpool ugula ciyaaraan xulka Croatia, sidoo kale magaalada Vienna ayay kula ciyaari doonaan xulka Austria.
Gool FM.