Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Shirkadda Nike oo soo saartay Kabo cusub oo ay ugu talo gashay inay ciyaartoydu ku dheelaan Koobka Adduunka 2018… + SAWIRRO

$
0
0

(Beaverton) 24 Maajo 2018. Marka xisaabta maanta laga bilaabo, Koobka Adduunka 2018 inuu ka baasmo Waddanka Ruushka waxaa ka haray kaliya 21 maalmood.

Koobka Adduunka ayaa ka bilaaban doona Ruushka 14-ka bisha June 2018, wuxuuna socon doonaa illaa 15-ka July, iyadoo 11 Magaalo ay martigelin doonto, 32 xul ayaana ka qeybgeli doona dhacdadaan.

Koobka Adduunka waxaa lagu furi doonaa dalka Martigelinaya tartanka ee Russia iyo Saudi Arabia ciyaar ka dhici doonta garoonka ku yaala Magaalada Moscow ee Luzhniki

Marka uu xul waliba la ciyaaro saddexda xul ee kale ee kula jira guruubkiisa ayaa kaddib waxaa la ogaan doonaa xulalka ka soo bixi doona wareegga Group-yada, islamarkaana xaqiijin doona inay u soo gudbeen wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka.

Wareegga 16-ka ayaa la ciyaari doonaa 30 June illaa 3 bisha July ee sanadkan 2018-ka, intaas kaddibna waxaa la ogaan doonaa siddeeda xul ee isugu soo hari doona wareegga siddeed dhammaadka ama Quarter-finalka tartankan.

Haddaba Shirkadda qalabka ciyaaraha soo saarta ee Nike ayaa soo bandhigtay dhawaan Kabo cusub oo ay ugu talo gashay inay ciyaartoydu ku dheelaan sanadkaan Koobka Adduunka.

Kabahaan oo ah kuwo si heer sare ah loo naqshadeeyey oo ay ku fara-yareystay shirkadda Nike isla markaana aad u bilicsan ayaa lagu arki doonaa qaar ka mid ah xiddigaha ka qeyb galaya sanadkan dhacdada ugu weyn kubadda cagta ee Koobka Adduunyada.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles