(Muqdisho) 31 Maajo 2018 –Ilaa iyo iminka ma jiro masuul ka tirsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo la hadlay siddeedii xiddig ee heerka koowaad ka socday kuwaas oo Finalka geeyay qarankeena Soomaaliya.
Xiddigaha ayaa laga joojiyay tababarka qaranka ciyaartooyda da’doodu ka hoosayso 17-ka sanno,waxaana lagu war galiyay in aysan qayb ka ahayn safarka Tanzania.
Ciyaartooyda ayaa Gool FM u sheegay in macallin Salaad uu ku war geliyay in lagu dari doono xiddigaha qaranka ee da’doodu ka yartahay 20-ka sanno.
Yeelkeedee shalay ayaa waxaa garoonka Koonis la isugu yeeray qaranka 20-sanno jirada,mana jiro xiddig ka soo dhex muuqday siddeedii ciyaaryahan ee laga reebay qaranka 17 sanno jirada.
57 ciyaaryahan oo laga soo xulay kooxaha heerka labaad ayaa shalay isugu yimid garoonka Banaadir,waxaana si rasmi ah tababarka uu u billaaban doonaa Maalinta Axadda.
Gool FM.