Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ma aragtay Qorshaha Cajiibka ah ay la yimaadeen ciyaartoyda Muslimiinta ee Tunisia si ay u Afuraan kulamadii ay la ciyaareen Portugal iyo Turkiga??

$
0
0

(Europe) 03 Juunyo 2018. Tan iyo sidii ay u curatay bisha Barakeysan ee Ramadaan 17-dii bisha May, xulka Muslimiinta ah ee Tunisia ayaa ciyaaray labo kulan oo Saaxiibtinimo ay la kala yeesheen Portugal iyo Turkiga waxaase Yaab lahayd qorshihii ay isticmaaleen si ay u Afuraan maadaama ay Soomanaayeen.

Markasta oo la gaaro waqtiga Afurka, Goolhayaha xulka Tunisia ayaa dhulka isku tuura isagoo sheeganaya dhaawac been ah si loo joojiyo ciyaarta isla markaana ay u helaan waqti ay wax ku cunaan waxna ku cabaan.

Sawirrada la helay ayaa muujinaya ciyaartoyda Muslimiinta ah oo biyo cabaya, Timirna cunaya isla markaana qaadanaya waxyaabo kale oo Tamar galinaya si ay kulankooda u sii wataan.

Labada kulan ee saaxibtinimo uu ciyaaray xulka Tunisia iyagoo sooman ayaa waxay ku wada dhammaadeen bar baro 2-2.

Kulankii Portugal waxaa labada gool u kala saxiixay Anice Badri iyo Fakhereedine Ben Youssef halka kulankii Turkiga ay labada gool ka heleen Badri iyo Ferjani Sassi.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles