Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Weli ma dhammaan Sheekadii Nabil Fekir iyo Liverpool…(Maxaa soo kordhay??)

$
0
0

(Europe) 19 Juunyo 2018. Weli ma dhammaan heshiiskii dhibka badnaa ee Nabil Fekir iyo kooxda Liverpool sida uu sheegayo wakiilka wiilka reer France.

Rajada uu Fekir ugu dhaqaaqi lahaa Reds ayaa horaantii bishan u soo muuqatay mid dhimatay kaddib markii ay Liverpool ka baxday heshiis ay 53 milyan kula soo saxiixan lahayd.

Laacibka ayaa caafimaadka maray iyo wax kasta oo heshiiska suuro gal ka dhigaya balse waqtigii ugu dambeeyay ayaa lagu kala booday.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee ka dambeysa inuu heshiiska uu bur buro xilli gabo gabo ah balse waxaa la sheegay in Liverpool ay iyadu ka baxday maadaama ay ka cabsi qabtay dhaawac daran oo laacibka ka gaaray Jilibka saddex sano ka hor.

Yeelkeede, Wikiilka Fekir Jean-Pierre Bernes, ayaa sheekada ku tilmaamay faanoole fari kama qodna.

Nabil Fekir to Liverpool

Mar uu u warmayay La Chaine Info oo ah Kanaal TV oo dalka France ayuu yiri.

“Isaga Fekir uma saxiixin Liverpool maxaa yeelay Uh, Weli ma dhammaan. Tani ma ahan dhammaadka Sheekada.”.

Jean-Pierre Bernes ma bixin wax faah faahin oo ku aadan sababta uu heshiiska markii hore u bur buray balse wuxuu sheegay inaysan sheekadu weli dhammaan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles