Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

WARBIXIN CAJIIB AH: Real Madrid, Ronaldo iyo Juventus dhammaan way wada KHASAAREEN oo mid faa’iiday kuma jiro…!!

$
0
0

(Europe) 12 Luulyo 2018. Cristiano Ronaldo ayaa Sagaal sano uu ku sugnaa Bernbue kaddib ugu dambeyn u dhaqaaqay kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga.

Juan Ignacio Garcia-Ochoa ee wax ku qora jariiradda Marca ayaa ku adkeysanaya inay tani tahay ganacsigii ugu xumaa ee Qarniga isagoona sheegay inay wada Khasaareen Ronaldo, Real Madrid iyo Juventus isla markaana uu waqtiga midaa sheegi doono.

REAL MADRID:

Picha inayohusiana

Los Blancos waxay lumisay ama khasaarisay 50 gool xilli ciyaareeedkiiba iyo waliba fursad cusub ay ku macsalaameyn lahayd mid ka mid ah halyeeyadeeda.

Sida Raul iyo Iker Casillas ee sanadihii dhawaa, Ronaldo ayaa isna albaabka dambe ka bixi doona. Markaan ma ahan Macsalaameyn loo sameyn waayay laacib ka soo baxay Akaadamiyada kooxda balse waa xiddigii ugu muhiimsanaa taariikhda kooxda.

Waa laacib Sagaal xilli ciyaareed ku dhaliyay 451-gool, kuna guuleystay afar Champions League, Afar Ballon d’Or. Sida xawayaanka ayuu ugu shaqeynayay Real Madrid, waana mid aysan markale heli doonin nuuciisa oo kale.

Madrid waxay la soo saxiixan doontaa mid ama labo amaba saddex si ay ugu badelaan booska Ronaldo balse midkood ma dhalin doono 50-gool Sagaal Sano oo Xiriir ah.

Waa sax in 100 milyan ay tahay dhaqaale aan innaba caadi ahayn in  lagu helo 33-jir, balse ma ahan Ronaldo waayo ma jiro Qiimo lagu iibiyo Halyeeyada.

RONALDO:

Xiddiga reer Portugal ayaa ka tagay Real Madrid waayo wuu ka careysan yahay, wuxuu dareemayaa inaan laga dooneyn kooxda, wuxuu saluugsan yahay Mushaarka uu qaato, wuxuu aaminsan yahay in si xun loola dhaqmay qadiyadiisa ku aadaneyd canshuuraha ku soo baxay.

Dabcan wuu ku saxan yahay inuu sidaa sameeyo oo uu ka soo tago, balse Ronaldo waxay ahayd inuu ka fikiro sumcada uu maanta heysto kaligii ma uusan kasban.

Wuxuu heystay kooxda ugu wayn adduunka iyo waliba xiddigo Cajiib ah oo ka garab ciyaarayay sida  Ramos, Marcelo, Benzema, Modric iyo Casemiro.

Kubbada cagta waa koox wada shaqeysa ee ma ahan Shaqsi kaligii. Ronaldo ma dhalin doono 50-gool xilli ciyaareed kasta, ma ciyaari doono  kulan isagoo heysta suuro galnimada hal bilyan oo daawadayaal, maalin kastana Qorax kuma heli doono Turino.

JUVENTUS:

Kooxda reer Talyaani ayaa bilaabi doonta inay ka fikirto sidii ay uga dagi lahayd in ciyaaryahan goor dhow 34 jirsan doona ay ku soo iibsadaan 345 milyan oo euro (112 Milyan oo ah heshiiska uu ku yimid kooxda iyo waliba faa’iido 60 milyan oo euro sanadkasta).

Waa sax in Cristiano Ronaldo uu heysto jir muunad cajiib ah leh, balse yaynaan ilaawin in kal ciyaareedkii la soo dhaafay uu seegay Todobo kulan oo La Liga ah Lix kulan oo Copa del Rey ah maxaa yeelay wuxuu u baahday in la nasiyo.

33-jir jirkiisa wuxuu u baahan yahay in la nasiyo si uu bandhi fiican u sameeyo kulamad muhiimka ah.

Ronaldo wuxuu saxiixay afar sano oo heshiis ah sanad kaddibna wuu 35-jirsan doonaa waxaana la wada fahansan yahay inay tahay inuu ciyaaro 50 kulan sanadiiba laacib lagu soo iibsaday qiimo intaa la eg.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles