Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Kooxda Man United oo horumar ka sameysay wadahadalladii ay ku doonaysay mid ka mid ah xiddigaha Real Madrid

$
0
0

(Manchester) 12 Luulyo 2018. Sida wararku ay sheegayaan Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay horumar ka sameysay wadahadalladii ay kula jirtay naadiga Real Madrid si ay uga soo qaadato Gareth Bale oo ay xagaagan ku keento garoonka Old Trafford.

Bale ayaa muddo dheer bartilmaameed u ahaa Man United tan iyo markii uu Real Madrid kaga soo biiray Tottenham Hotspur sanadkii 2013-kii, xiddigan ayaana shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda tan iyo horraantii sanadkan ee Final-kii Champions League-ga.

Macallinka Man United ee Jose Mourinho iyo Guddoomiye ku xigeenka kooxda ee Ed Woodward ayaana weli rumeysan in 28-sano jirkaan uu ku soo biiri doono safkooda, Majaladda Manchester Evening News ayaana warinaya inay Man Utd horumar ka sameysay wadahadalladii ay kula jirtay Madrid oo ku aaddanaa saxiixa Bale.

Kooxda ku guuleysatay Champions League ayay u badan tahay inay wax badan ka fikiraan inay lumiyaan xiddigan garabka ka dheela ee Bale, maadaama ay horay u lumiyeen xagaagan hoggaamiyahoodii ee Cristiano Ronaldo oo ku biiray Naadiga Juventus.

Yeelkeede, kooxda Real Madrid ayaa lala xiriirinayaa inay la soo saxiixan doonto xiddigo sida Neymar, Kylian Mbappe iyo Eden Hazard, xaaladda Gareth Bale waa mid aan la hubin waxaana loo maleynayaa in ciyaaryahanka reer Wales loo ogolaan doono inuu ku dhawaaqo go’aanka ah inuu sii joogayo kooxda ama uu ka tagi doono.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles