(Russia) 16 Luulyo 2018. Xulka Faransiiska ayaa xalay si dhib yar ku qaaday Koobka Adduunka kaddib markii ay 4-2 ku mareen xulka Croatia.
Madaxwaynaha Dalka Faransiiska Macron ayaa xaadir ahaa oo si wayn ula dabaal degay xiddigihiisa guusha wayn soo hoyay.
Dabaal degga garoonka kaddib, mar ay ciyaartoyda ku dabaal degayeen qolka dhar badalashada ayaa waxay sheeko gaaban oo kaftan ah dhex martay Pogba, Daafaca Man City Mendy iyo Madaxwayne Macron.
Labada laacib ayaa Madaxwaynahooda Cashar u dhigay oo baray sida loo sameeyo “Dab” oo ah dabaal deg waayihii dambe soo kordhay kaa oo wajiga gacanta la saarto kaa oo ku waalan yahay Pogba.
DAAWO:
Gool FM.