Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Jesse Lingard oo abaal-marin uu ka helay Koobka Adduunka 2018 ku garaacay Kylian Mbappe iyo Antoine Griezmann!

$
0
0

(Manchester) 19 Luulyo 2018. Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Jesse Lingard ayaa abaal-marin uu ka helay Koobka Adduunka 2018 oo lagu soo gabagabeeyey dalka Ruushka ku garaacay xiddigaha kala ah  Kylian Mbappe iyo Antoine Griezmann.

Dhacdada ugu weyn kubadda cagta ayaa lagu soo afmeeray Waddanka Ruushka, waxaana markii la soo gabagabeeyey dhacdadaas kaddib la bixiyey abaal-marinno shaqsi ah oo la kala siiyey dhowr ciyaaryahan oo kala duwan.

Xiddiga ugu fiicnaa tartanka koobka Adduunka waxaa ku guuleystay Luka Modric, da’yarkii ugu wanaagsanaa ayaa la siiyey Kylian Mbappe, goolhayihii ugu fiicnaa tartanka waxaa qaatay shabaqa ilaaliyaha xulka qaranka Belgium ee Thibaut Courtois.

Kabtanka xulka England iyo dhaliyaha kooxda Tottenham ee Harry Kane oo lix gool ka dhaliyey Koobka Adduunka ayaa isna ku guuleystay Kabta dahabka ah ee gooldhalinta tartankan.

Marka laga soo tago Harry Kane xulka qaranka England ayaa Koobka Adduunka 2018 ka helay abaal-marin kale waxaana la siiyey Jesse Lingard.

Ciyaaryaanka kooxda Man United ee Jesse Lingard ayaa ku guuleystay abaal-marinta Piazarre World Cup Award oo la siiyo ciyaaryahanka dabaal-deg la jecleysto ku soo bandhiga inta uu socdo Koobka Adduunka, waxaana Lingard uu abaal-marintan ku garaacay xiddigaha reer France ee kala ah Kylian Mbappe iyo Antoine Griezmann.

Jesse Lingard waxa uu abaal-marintan ku helay dabaal-deggii uu sameeyey kaddib markii uu gool ka dhaliyey xuka qaranka Panama kulankaasoo uu guul gaaray xulkiisa England.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles