Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Kooxda Man United oo barbaro ku bilaabatay safar ciyaareedkeeda Mareykanka… + SAWIRRO

$
0
0

(Arizona) 20 Luulyo 2018. Koooxda Manchester United ayaa barbaro ku bilaabtay kulankeedii ugu horreeyey ciyaaraha saaxiibtinnimo ee isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub oo ay ku qaadanayso dalka Mareykanka.

Man United waxa ay safar ciyaareedkeeda Mareykanka ku bilaabatay barbaro 1-1 ah oo ay la gashay kooxda Club America.

Kulankan ayaa qeybtii hore lagu kala nastay goolal la’aan 0-0, balse markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Man United ayaa gool looga naxsaday waxaana ugu shubay 60’daqiiqo Henry Martin.

Juan Mata ayaa guuldarro ka badbaadiyey kooxdiisa Man United waxaana uu goolka barbaraha u dhaliyey 78’daqiiqo, kulanka ayaana ku soo dhammaaday gar isku mid ah 1-1.

Waxa uu kulankan ka dhacay University of Phoenix Stadium, iyadoo ay soo xaadireen 37,766 oo daawadayaal ah.

Macallin Jose Mourinho kulankan ma uu haysan 12 ciyaaryahan oo kooxda ka tirsan kuwaasoo ka qeyb gashay Koobka Adduunka isla markaana fasax ku maqan iyo Alexis Sanchez oo looga soo tagay Magaalada Manchester kaddib markii loo diiday dal ku galka Mareykanka inkastoo markii dambe loo ogolaaday kulamada dambe ee kooxdana la filayo inuu ka soo muuqan doono.

Xiddigaha kulankan uga qeyb qaatay kooxda Manchester United: Grant (Pereira 46), Valencia (Fosu-Mensah 46), Bailly, Smalling, Shaw (Greenwood 75), Herrera, McTominay (Tuanzebe 86), Pereira, Mata (Gomes 86), Mitchell (Darmian 60), Martial (Chong 60).

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles