(England) 09 Maarso 2016. Daaficii hore ee kooxda Arsenal Emmanuel Eboue ayaa dib ugu soo laabtay horyaalka Premier League isagoona si rasmi ah ugu biiray kooxda Sunderland.
Daafaca Ivory Coasta ayaa ugu soo biiray kooxda Sunderland heshiis gaaban oo ku eg ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Eboue ayaa ka tagay horyaalka Premier League sanadii 2011 isagoo ku biiray kolkaa kooxda reer Turkey ee Galatasaray laakiin daafaca ayaa laga soo diray kooxdan dhamaadka xilli ciyaareedkii tagay.
Sikastaba soo laabashada Eboue ee horyaalka Ingiriiska ayaa durba la isla dhex qaaday baraha bulshada gaar ahaan Twitterka iyadoo dadka qaarna ay bogaadinayaan soo dhaweyntiisa qaarna ay u arkaan waqti lumin iyo inuusan waxba soo kordhin karin.
Gool FM.