(Ibiza) 26 Luulyo 2018. Ciyaartoy Caan ah ayaa isugu yimid xaflada Dabaal-degga arooska Cesc Fabregas oo ka dhacaysay Ibiza.
Saaxiibadiisa Chelsea, Terry, Kante, Pedro iyo qaar kale iyo sidoo kale saaxiibadiisii hore ee Barcelona, Lionel Messi, Sergio Busquets, Carles Puyol iyo qaar kaloo badan ayaa ka soo qeyb galay xafladda dabaal-degga aqal galka Fabregas iyo xaaskiisa Daniella Semaan.
Waxaan meesha ka marneyn saaxiibadiisa hore ee Arsenal, Theirry Henry, Thomas Rosicky iyo Goolhaye Jens Lehmann.
Xiddigaha iminka ee kala tirsan kooxda Chelsea ayaa sidoo kale goobta joogay.
Kante oo xaadir ahaa ayaa u soo labistay si ciyaalka xaafada iska ah oo ka duwan sidii ay u labisnaayeen ciyaartoyda kale ee xafladda yimid, taasoo noqotay hadal-heynta ugu badan Baraha Bulshada.
Haddaba The Sun ayaa Shax Cajiib ah ka sameysay xiddigihii soo xaadiray xafladda Dabaal degga Arooska Fabregas, Madaalaha Chelsea Kante Malaha Labis qurxoon laguma soo xulan ee waxaa lagu soo xushay kartidiisa garoonka.
EEG SHAXDA:
Gool FM.