Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

RASMI: Kooxda Barcelona oo xaqiijisay inay iska fasaxday mid ka mid ah ciyaartooydeeda safka hore… (Waa kee?)

$
0
0

(Barcelona) 30 Luulyo 2018. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay inay iska fasaxday difaaceeda Lucas Digne oo ay u ogolaatay inuu dhammaystiro ka tagistiisa kooxda.

Naadiga Everton ee ka dheesha horyaalka Premier League ayaa la soo sheegayaa inay ku dhow dahay inay dhammaystirto saxiixa difaaca reer France ee Lucas Digne kaddib markii Barca ay ciyaaryahanka u ogolaatay inuu ka tago xarunta tababarka ay ku qaadanayaan ee California – Mareykanka.

25-sano jirkaan Digne ayaa usbuucyadii dhawaa oo dhan la la xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono kooxda Toffees lagu naanayso, isla markaana uu adduun dhan 25 milyan oo euro oo u dhiganta 22 milyan oo gini ama 29 milyan oo dollar ku dhammaystiri doono heshiiskaas.

Shabakadda ciyaaraha Goal.com ayaa fahamsan in labada kooxood ay isku afgarteen heshiiska uu difaacan garabka bidix ku wareegayo kaddib markii kooxda xafidanaysa horyaalka La Liga ay Digne u ogolaatay inuu ka soo tago Mareykanka oo uu aado Magaalada Barcelona si uu u dhammaystiro heshiiska uu kaga tagayo kooxda.

Ciyaaryahankii hore ee kooxaha Lille, Paris Saint-Germain iyo Roma ayaa booska safka hore ka waayey garoonka Camp Nou labo xilli ciyaareed, isagoo ka dambeeyey Jordi Alba, taasoo ka dhigtay inuu mudadaas ku soo bilowdo kaliya 29 kulan oo horyaalka La Ligaha ah.

Barcelona ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay: “Lucas Digne ayaa maanta u safray Barcelona, si uu u dhammaystiro fasax loo siiyey ka tagtistiisa kooxda.”

Everton ayaa suuqa ka raadinaysay difaac bidix maadaama uu sii duqoobayo xiddigooda halyeyga ah ee Leighton Baines, waxaana ay u badan tahay inay saacadaha soo socda dhammaystiri doono xiddigan ka mid ah ahaa ciyaartoydii xulka France uga qeyb gashay Koobkii Adduunka 2014-kii ee Digne.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles