Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Gareth Bale oo ka maqnaanaya Real Madrid kulanka muhiimka ah ee axada…(Maxaa helay?)

$
0
0

(Madrid) 06 Maajo 2016. Gareth Bale ayaa seegaya kulanka muhiimka ah ay axada Real Madrid Bernabeu ku marti qaadi doonto kooxda mintidka ah ee Velancia.

Xiddiga ka ciyaara garabka weerarka ayaa waxaa dhaawac jilibka lugta midig ah uu ka soo gaaray kulankii Man City oo ay ugu soo gudbeen final ka Champions League, tajaabooyinkii la marsiiyay ayaa ku taliyay in la nasiiyo halkii la ciyaarsiin lahaa.

Waa dhaawac yar oo looga soo kabsan karo saddex ilaa afar usbuuc, laakiin waaxda caafimaadka ayaa ku talisay inaan khatar la galin kulanka soo socda iyadoo ay goor dhow kooxda ku soo food leedahay maalinka ugu dambeeya ee La Liga iyo Champions League.

La Liga oo ay labo kulan uun harsan tahay ayaa maraya meel aad u kulul oo waxaa hogaanka heysa Barcelona oo leh 85-dhibcood, Atletico Madrid ayaa dhibcahaa oo kale wadata halka Real Madrid ay iyana leedahay 84-dhibcood.

bal

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025