Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Taageerayaasha Real Madrid oo kulankii Milan muujiyay Muhiimada uu Modric u leeyahay…(Maxay Sameeyeen??)

$
0
0

(Madrid) 12 Agoosto 2018. Taageerayaasha Real Madrid ayaa Luka Modric u muujiyay qiimaha uu u leeyahay ciyaartii ay kooxdooda 3-1 uga adkaadeen AC Milan koobka Bernabeu Trophy.

Taageerayaasha ayaa u wada sara kacay kabtanka xulka Croatia mar lagu soo badelay Isco.

Intaa oo kaliya maahanee waxay ku heesayeen Magaciisa markasta uu kubbada lugta ku dhigo.

Modric oo ku soo guuleystay laacibka ugu fiican koobka Adduunka ayaa si wayn lala xiriirinayaa kooxda Inter Milan  ee Dalka Talyaaniga.

Balse Real Madrid waxay dooneysaa inay xafidato kubbad qaabeeyaheeda iyadoo waliba ku abaal marineysa mushaar qaali ah oo kula mid noqonayo Kabtan Sergio Ramos.

Tababaraha Cusub ee Real Madrid Julen Lopetegui wuu ka warqabaa sida uu Modric Muhiim ugu yahay Kooxdiisa maadaama uu Mateo Kovacic amaah ugu biiray Chelsea, waana wax aan la maleysan Karin in la beecin karo ka hor inta uusan suuqa xirmin .

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025