(London) 12 Agoosto 2018. David Silva ayaa seegay kulankii ay iminka Manchester City 2-0 uga adkaatay kooxda Arsenal oo xitaa kuma jirin keydka.
32-jirka ayaa la sheegayaa inuu kulanka uga maqnaa maadaama uusan 100% Taam ahaan sidaa darteed la nasiyay.
Sida uu warinayo El Chiringuito, Waaxda caafimaadka ee Man City ayaa qaatay go’aanka in la nasiyo kubbad qaabeeyaha reer Spain kulankooda furitaanka Premier League ay ku wajahayeen Gunners iyadoona looga soo tagay Manchester uu kooxda ulama safrin London.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dhaawaca Silva uusan ahayn mid daran isla markaana uu ka soo muuqan karay kulankii ay ku wajaheen Arsenal balse ay waaxda caafimaadka doorteen inaan khatar la galin maadaama ay Man City hodan ka tahay qadka dhexe.
Pep Guardiola ayaa booska David Silva dhigay Bernardo Silva halka uu sidoo kale Riyad Mahrez u gacan galiyay kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League isagoo xiran maaliyada kooxda Manchester City.
Gool FM.