Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Wakiilka Luka Modric oo Wadnaha jaray Taageerayaasha Real Madrid kaddib markii uu Xaqiijiyay in….

$
0
0

(Madrid) 13 Agoosto 2018. Luka Modric ayaa si wayn lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo horyaalka Talyaaniga gaar ahaan kooxda Inter Milan, wakiilkiisa ayaana iminka xaqiijiyay in Kaliyantigiisa uu goor dhow amaba goor dambe tay ahaataba uu ka ciyaari doona horyaalka Serie A.

Kubbad qaabeeyaha reer Croatia ayaa aad u doonaya inuu ka tago Madrid waxuuna qalbiga ku hayaa camaaliqada reer Tayaani ee Inter Milan balse Los Blancos ma doonayaan inay iibiyaan Modric.

Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda horyaalka Serie A ayaa xirmaya Jimcaha soo socda, waqtiga ayaana gabaabsi ku ah Inter Milan si ay u dhammeystirto heshiiska ay ku dooneyso Modric.

Tokeo la picha la Luka Modric and Ronaldo

Sidaa darteed waxay taa la micno tahay in kabtanka xulka Croatia uu xagaaga soo socda beeso ugu dhaqaaqi doono Inter ama inuu beeca xorta ah ugu biiri doono 2020-ka marka uu ka dhoco qandaraaska uu ku joogo Bernabeu.

“Sababteey doonto ha ahaato, Modric wuxuu doonayaa inuu xiddig ka noqdo Serie A kooxda Inter Milan. Aynu aragno, ” Wakiilka Modric Marko Naletilic ayaa sidaa u sheegay Tuttosport.

“Waxaan aaminsanahay in goor dhow ama goor dambe uu Modric ka ciyaari doono Talyaaniga. Sida ciyaartoy badan ee reer Croatia oo da ‘diisa ah, wuxuu soo koray isagoo daawanaya kubbada cagta Talyaaniga.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles