Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

David Silva oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah

$
0
0

(Europe) 14 Agoosto 2018. David Silva ayaa ka dhawaajiyay inuu ka fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah kaddib bandhigii liitay uu xulkiisa Spain ka sameeyay koobkii adduunka uu dhawaan ku guuleystay xulka Faransiiska.

Kubbad qaabeeyaha Manchester City ayaa kulankiisii ugu horreeyay Spain u saftay 2006-dii wuxuuna tan iyo markaa u saftay 125 kulan isagoona u dhaliyay 35-gool.

32-jirka ayaa xubin muhiim ah ka ahaa xulkii Spain ee 2010 kii ku guuleystay Koobka Adduunka iyo waliba European Championship 2008 iyo 2012.

Laakiin wuxuu ku dhawaaqay iminka inuu soo afjaray waayihiisa ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii xulkiisa uu Ruusha ku soo reebay wareega 16-ka koobka Adduunka.

Silva ayaa baraha bulshada soo dhigay fariin dheer uu uga hadlayo inuu ka fariistay Spain, wuxuuna qiray inuu ahaa mid ka mid ah go,aanadiisii ugu adkaa uu qaato isagoona uga mahad celiyay wax kasta.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles