Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Manchester United oo Diiday inay iibiso Pogba

$
0
0

(Manchester) 17 Agoosto 2018. Manchester United waxay diidan tahay inay iibiyaan Paul Pogba xagaagan iyadoo ay bannaanka u taagan tahay kooxda Barcelona oo si daran u dooneysa.

Xiriirka Jose Mourinho iyo laacibka reer France ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd iyadoo uu Pogba doonayo inuu ka dhaqaajiyo Old Tarafford.

Yeelkeede, The Sun ayaa warineysa in Manchester United ay diidan tahay inay sameyso wax ganacsi ah oo ku aadan Pogba xagaagan.

Laacibka ku soo guuleystay Koobka Adduunka ayaa loo xiray Kabtanka kulankii furitaanka Premier League ay kooxdiisu la yeelatay Leicester City wuxuuna dhaliyay goolkii ugu horreeyay.

Laakiin wuxuu abaalka Jose ka dhigay in ciyaarta kaddib uu bixiyay Wareysi yaab leh isagoona sheegay ina jiraan waxyaabo qaar uu sheegi karo iyo kuwa uusan sheegi karin maadaama uu ka baqanayo in la ganaaxo.

Arrinkaas ayaa ka carreysiiyay Mourinho oo u sheegay inuu soo sheegto haddii uu doonayo inuu kooxda ka tago taa oo markale sii xumeysay xiriirka labada dhinac.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles