(Europe) 18 Agoosto 2018. Maxamed Saalax Nasiib wayn ayuu ku lahaan lahaa haddii uu ku biiri lahaa Real Madrid ama Barcelona.
Waxaa sidaa qaba Rugadaagii hore ee Barca Ronaldinho kaa oo guulo badan gaaray intii uu ku sugnaa gegada Nou Camp.
26-jirka oo si wayn loo hadal hayay inuu ka tagayo Liverpool ayaa ugu dambeyn heshiis 5-sano ah u saxiixay Merseyside horaantii xagaagan taa oo soo afjartay qiyaas fikradeedka laga qabay Mustaqbalkiisa.
Ronaldinho oo la waydiiyay haddii uu Maxamed Saalax u ciyaari karo Real Madrid ama Barcelona ayaa ku Jawaabay:
“Saalax wuxuu leeyahay awooda uu ugu ciyaari karo koox kasta iyo horyaal kasta.
“Horyaalka Spain wuxuu noqon doonaa mid ku haboon ciyaaryahan wayn sida Maxamed Saalax, isaga ahaana waxay u noqon doontaa Nasiib wayn.”.
Gool FM.