(Liberia) 23 Agoosto 2018. Arsene Wenger ayaa Arbacadii ka soo degay Dalka Liberia halkaa oo uu ka helay soo dhaweyn diiran.
Wenger ayaa macallin u soo ahaa Weah mar ay ka wada tirsanaayeen naadiga Monaco ee dalka Faransiiska iyadoo uu Tababaraha reer France door wayn ka soo ciyaaray heerka sare uu Madaxwaynaa Liberia ka gaaray ciyaaraha.
George Weah ayaa noqday oona ilaa iminka ah laacibka kaliya ee ka soo jeed Afrika ee ku guuleystay abaal marinta laacibka ugu fiican adduunka ee sanadii 1995.
Madaxwaynaha Liberia ayaa iminka go’aansaday inuu Arsene Wenger guddoonsiiyo abaal marinta ugu sarreyso dalkiisa isagoo u qirsan sidii uu u soo gacan qabtay berigii uu ciyaaraha ku jiray.
Sidoo kale waxaa abaal marin la guddoonsiin doonaa Claude Le Roy oo ahaa shaqsigii soo arkay Weah sideetameeyadii mar uu ku sugnaa Afrika. Wenger ayaa intaa kaddib gacan ku dhigay oo ay waqti fiican ku soo qaateen Monaco ka hor inta uusan Weah noqon laacibka ugu fiican adduunka.
Xaflad berito ka dhici doonta dalka Liberia ayaa Wenger lagu guddoon siin doonaa abaal marinta ugu sarreysa dalkaasi.
Waa sax Ruuxii abaal kuu galaa marbaa loo gudaa, balse su,aasha ayaa ah Abaal marinta ugu sarreysa dalkaaga ma guddoonsiin lahayd ruux aan waxba u qaban dadkaaga habayaraatee??
SAWIRRO Wenger oo soo gaaray dalka Liberia:
Gool FM.