(London) 23 Agoosto 2018. Kabtanka Arsenal Laurent Koscielny ayaa dib ugu soo laabtay maanta tababarka kooxda kaddib qaliin looga sameeyay feesha lugta.
Daafaca reer France ayaa garoonka laga qaaday daqiiqadii 11-aad lugtii labaad ee ciyaartii semi final ka Europe League ay la ciyaarayeen Atletico Madrid.
Waxaa garoonka Wanda Metropolitano looga saaray Bareelo maadaama uu xanuun dartii la socon waayay.
Lix bilood ayaa loo jaray, inkastuu iminka dib ugu soo laabtay Tababarka misane waxaa u harsan bilooyin tababar soo kabsasho ah.
Koscielny ayaa la kulmay macalinkiisa Cusub Unai Emery, kaa oo 22 sano kaddib xilka Gunners ka badelay Arsene Wenger.
Gool FM.