(London) 24 Agoosto 2018. Pierre-Emerick Aubameyang ayaa baraha bulshada uga jeex jeexay xiddiga ku cusub kooxda Arsenal ee Matteo Guendouzi kaddib markii la soo saaray liiska xiddigaha ugu xawaaraha dheereeya kooxda.
Dhaliyihii hore ee Dortmund ayaa booska koowaad kala baxay Hector Bellerin kaddib tijaabadii lagu sameeyay tababarka kooxda.
Aubameyang ayaa bartiisa Instagram oo ay ku xiran yihiin 7.4 milyan oo qofood soo dhigay Natiijada ka soo baxday tijaabada xawaaraha kooxda isagoona ku camirtay Timo waynaha ay Gunners xagaagan kala soo wareegtay Lorient.
Guendouzi ayaa ku orday xawaare dhan 8.76 oo u dhiganta Boqolkiiba 93.
Laacibka reer Gabon ayaa soo qoray: “Sidee tahay 93%? Weli waad is hormarin kartaa.”.
SAWIRRO:
Gool FM.