(Europe) 21 Maajo 2016. Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kugu soo ururinay wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Ka aqri halka hoose:
Arsenal ayaa u soo bandhigi doonta weeraryahanka Juventus Alvaro Morata heshiis shan sano ah oo ku kacaya usbuuciiba 155,000 oo bound si ay saxiixa 23-jirka ugu garaacdo kooxda Chelsea oo dhankeeda ka dooneysa. (Sun).
Tababaraha soo socda ee Chelsea Antonio Conte ayaa wada hadalo la furay labada xiddig ee u safata Eveton 21-jir, iyo Romelu Lukaku, 23-jir.(HLN, via Daily Star).
Chelsea ayaa weli ku rajo wayn saxiixa Radja Nainggolan inkastoo 28-jirka qadka dhexe uu si cad u sheegay inuusan dooneyn inuu ka tago kooxdiisa Roma.(Daily Telegraph).
Man United ayaa lagu wadaa in ay Jose Mourinho u magacawdo tababaraheeda cusub kaddib ciyaarta Final ka FA Cup ay Wembley kula yeelanayaan Crystal Palace. (as.com).
Xiddiga Arsenal Alexis Sanchez, 27-jir, Daafaca Everton John Stones, 21-jir iyo laacibka Tottenham Danny Rose, 25-jir ayaa halka sare ugu jira liiska ciyaartoyda uu doonayo macallinka cusub ee Man City Pep Garudiola. .(Sun).
Guardiola ayaa sidoo kale weli ku rajo wayn inuu kooxda keeno laacibka qadka dhexe ee Borussia Dortmund Ilkay Gundogan, 24-jirka ayaa maray qalliin jilibka ah. (Bild, via Manchester Evening News).
Aabaha xiddiga Barca iyo xulka Brazil Neymar ayaa sheegay in Man United ay dalab dhan 145-milyan oo bound ka soo gudbisay wiilkiisa 24-jirk ah. (COPE, via Daily Express).
Leicester City ayaa dooneysa inay la soo saxiixato weeraryahanka Arsenal ee Theo Walcott, laakiin 27-jirka reer England wuxuu doonayaa inuu sii joogo kooxda ka dhisan woqooyiga London.(Daily Star).
Mauricio Pochettino ayaa isku diyaarinaya inuu iska iibiyo Son Heung-Min, 23-jir kaddib sanad wax ka yar uu laacibka reer South Korea uu 22-milyan uga soo biiray Tottenham dhanka Bayer Leverkusen, sidoo kale tababare Pochettino ayaa dhageysan doona dalabyada Nabil Bentaleb, 21-jir, iyo Ryan Mason, 24-jir. (Daily Telegraph).
Weeraryahanka reer France Antoine Griezmann, 25-jir ayaa diyaar u ah inuu heshiis dheer qallinka ugu duugo kooxdiisa Atletico Madrid inkastoo ay jirto inay xiiseynayso Man United.(Sun).
Xiddiga qadka dhexe Moussa Sissoko, 26-jir ayaa waxaa bartilmaameedsanayay kooxda Arsenal wuxuuna noqon karaa laacibkii ugu horreeyay ee ka taga Newcastle United kaddib markii ay kooxda ugu dhacday heerka labaad ee Premier League. (Daily Mirror).
Gianluca Vialli oo ciyaaryahan iyo tababare ka soo noqday Chelsea ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay ku qaldantay inay kooxda ka ceyriso Jose Mourinho. (Goal.com).
Xiddiga bartilmaameedka u ah Liverpool Mario Gotze 23-jir ayaa u baahan tababare doonaya isaga, sida uu sheeganayo tababaraha xulka Germany Joachim Low. (Kicker, via Liverpool Echo).
Waxaa kuu soo ururiyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).
Gool FM.