(Muqdisho) 25 Agoosto 2018. Tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir ayaa shalay furmay, waxaana galabta la ciyaari doonaa kullamo xiiso badan.
Kullanka furitaanka ayaa kusoo dhamaaday 2-0 waxaana guusha qaadatay degmada Waabari xilli laga badiyay Dharkeenleey.
Labada ciyaar ayaa ka kala dhici doona garoomada Koonis iyo Jaamacadaha eek u yaala caasimadda Muqdisho.
Garoonka Jaamacadaha waxaa isku fara saari doona Shangaani iyo Yaqshiid,halka Banaadir ay isku arki doonaan degmooyinka Warta Nabadda iyo Hodan.
Shangaani iyo Yaqshiid ayaa ku jira guruubka A oo ka kooban illaa iyo shan degmo.
Koobkan waxaa difaacaneysa Waabari oo sanadkii ugu dambeeyay ka qaaday dhigeeda Hodan.
Gool FM