(London) 25 Agoosto 2018. Mesut Ozil ayaa ka maqnaa kulankii dhawaa ay Arsenal 3-1 uga adkaatay naadiga West Ham taa oo ka dhigneyd guushoodii ugu horreysay ay Premier League ka gaareen xilli ciyaareedkan.
Saxaafada ayaa markii hore sheegtay inuu Xanuun ku seegay kulanka, balse waxaa iminka la soo sheegayaa in Muran xoogan uu tababarka ku dhex maray isaga iyo tababare Unai Emery taa oo dhalisay in safka laga reebay kubbad qaabeeyaha asal ahaanta ka soo jeeda Turkiga.
Ozil oo isagu aad u liitay labadii kulan ay Gunners guul darada kala kulantay Manchester City iyo Chelsea ayaa ka maqanaa tababarka kooxda ee Shalay.
Sida uu sheegayo Saxafiga Joao Castelo-Branco ee ka howl gala Hilinka caanka ah ee ESPN in xiddiga dhawaan iska casilay xulka Germany uu kulanka West Ham laga reebay kaddib dood kulul uu tababarka kooxda kula galay Emery.
“Ozil waxay tababarka Usbuucaan ku doodeen tababare Emery, wuxuu soo baxay isagoo qeylinaya maantana safka waa laga reebay,” Saxafiga ayaa sidaa ku soo qoray boggiisa.
Wararka ayaa soo jeedinaya in macallinka Cusub ee Arsenal uu qorsheeyay in Ozil uu keydka ku soo bilaabo kulanka balse laacibka Arsenal wuu diiday sheekadaa oo ciyaarta dhan kama soo muuqan.
Gool FM.