(England) 04 Sab 2018. Raheem Sterling ayaa laga reebay xulka England ee la ciyaaraya Spain iyo Switzerland maadaama uu qabo dhawac dhabarka qeybta hoose ah.
Laacibka Manchester City ayaa lala xiriirinayay inuu ku biiro shaxda tababare Gareth Southgate ka hor inta aysan maanta tababarka bilaabin.
Laakiin Taam wuu u noqon waayay inuu ku soo biiro shaxda xulka, Tababare Southgate ayaana u yeerin laacib badela booskiisa.
Sterling ayaa dhammeystay kulankii dhawaa ay Man City 2-1 uga adkaatay kooxda Newcastle United isagoona dhaliyay goolkiisii labaad ee Premier League xilli ciyaareedka cusub.
Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya in laacibkiisa uu taam u noqdo kulanka Fulham marka laga soo laabto waajibaad Qaramada 15-ka bishan.
Maqnaanshiyaha Sterling ayay fursad u noqon karta Sane kaa oo aan marna lagu soo bilaabin kulamadii la soo ciyaaray Premier League xagaaga cusub iyadoo xitaa keydka loo diiday kulankii ugu dambeeyay.
Gool FM.