(Europe) 04 Sab 2018. Lionel Messi ayaa aamisan inay wiiqday awooda Real Madrid isla markaana ay ku dhibtoon doonto inay markale ku guuleysato Champions League kaddib markii uu ka tagay Cristiano Ronaldo.
Los Blancos inkastoo ay kubbad cajiib ah soo bandhigtay kulamadii ay ilaa iminka ciyaartay La Liga misane ma jiro xiddig wayn ay la soo wareegtay si uu u buuxiyo booskii uu banneeyay laacibka ugu goolasha badan taariikhdeeda.
Kabtanka Cusub ee Barcelona Lionel Messi ayaana iminka aaminsan in awooda Real ay wiiqday isla markaana ay Juventus iminka ka mid tahay kooxaha ugu cad cad Champions League maadaama ay heleen Cristiano Ronaldo.
“Shaxda Real Madrid Ronaldo la’aantiisa uma xoog badna sidii hore. Waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubbada cagta adduunka,” Mssi ayaa sidaa yiri.
“Juventus waa kuwa ugu cad cad ku guuleysiga Champions League maadaama ay iminka heystaan Ronaldo.
“Waan la yaabay go’aanka Ronaldo waayo ma filaneyn inuu ka tagi doono Real Madrid ama uu aadi doono Juventus. Waa koox aad u fiican.”.
Gool FM.