Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ciyaartoyda ugu Mushaarka badan horyaalka Seria A oo la soo saaray…(Ronaldo oo la waayay Cid xitaa u..)

$
0
0

(Europe) 04 Sab 2018. Waxaa la soo saaray xiddigaha ugu mushaarka badan horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga, Cristiano Ronaldo ayaa la waayay cid xitaa u soo dhawaata iskaba dhaafe mid la sinma.

Laacibka reer Portugal weli uma bilaaban waqtigiisa fiican ee Talyaaniga waayo wuxuu weli la xanuunsanayaa gool la’aan oo kulankiisii saddexaad ayuu shabaqa gaari la’yahay.

Laakiin laacibkii hore ee Ronaldo ayaa hurdi kara isagoo og inuu yahay kan ugu mushaarka badan horyaalka oo uu saddex jibaar dheer yahay kan ugu soo dhow.

Ronaldo oo 99 milyan uga soo dhaqaaqay Real Madrid ayaa Juve usbuuciiba ka qaata mushaar dhan 500,000 isagoona ku saddex laabmaya xiddigaha ugu soo dhow ee Gonzalo Higuain, Paulo Dybala iyo Gianluigi Donnarumma.

Laacibkii hore ee Manchester United ayaa sanadkiiba qaata adduun dhan 28 milyan oo euro isagoona 19.5 dheer kan ugu soo dhow ee ah weeraryahanka Cusub ee Milan Higuain.

Image result for RONBELIEVABLE Cristiano Ronaldo’s staggering Juventus annual wages

Dhanka kale Ronaldo ayaa kaalinta labaad uga jira Liiska xiddigaha ugu mushaarka badan kubbada cagta Adduunka oo waxaa ka horreeya oo qura Neymar oo qaata sanadkiiba 31 milyan halka Lionel Messi uu xilli ciyaareedkiiba qaato 26 milyan.

EEG LIISKA xiddigaha ugu mushaarka badan Serie A:

EEG LIISKA Xiddigaha ugu mushaarka badan kubbada cagta Adduunka:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles