(Madrid) 07 Abriil 2018. Dani Ceballos ayaa Shuluq ku sheegay Halyeygii Real Madrid ee Ronaldo kaddib markii wax laga waydiiyay Saameynta uu Cristiano Ronaldo ku yeelanayo kooxda kaddib markii uu kaga biiray Juventus.
Laacibka reer Spain oo horey u sheegay inuu ka tagi lahaa Bernabeu haddii uu sii joogi lahaa kooxda tababare Zidane ayaa sheegay in tagista Ronaldo aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin kooxda halka uu Ronaldihii waynaana ku sheegay Shuluq.
Rugcadaaga reer Brazil ee Ronaldo ayaa 104 gool u dhaliyay Los Blancos 117 kulan uu u saftay.
Ceballos oo ka jawaabaya su’aasha la waydiiyay ee ahayd saameynta ay Real Madrid ku yeelaneyso tagista Cristiano Ronaldo ayaa yiri:
“Isaga ka hor ciyaartooy waa wayn ayaa ka tagay Real Madrid sida Ronaldaha Buuran/Shuluqa ah, Kaka iyo….
“Cristiano Ronaldo wuu tagay mana joogo halkan hadda kaddib, laakiin kooxdu weli way wada shaqeyneysaa.
“Kooxda ayaa wax kasta ka sarreysa. Heerka shaqsi ahaaneedna, xiddigaha kale ayaa soo muuqanaya sida Karim Benzema, Marco Asensio iyo Gareth Bale.
“40-kii gool ee Ronaldo way tageen, laakiin waxaa goolashaas oo kale dhalin kara mid kasta oo ka mid ah Weeraryahanadeena.”.
Gool FM.