(Muqdisho) 08 Sebt 2018 Kullan aa u xiiso badan isla markaana ka tirsan heerka guruubyada ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa galabta la ciyaari doonaa.
Dheesha ayaa ah tii ugu dambaysay heerka guruubyada, waxaana is arki doona degmooyinka Kaxda iyo Shangaani.
Kaxda ayaa rajadeeda ah in ay guul gaarto, halka Shangaani ay kuu so baxdo guul iyo bar baro.
Labada degmo ayaa la siiyay dhibcaha degmada dharkeenley markii ganaax adag ay la kullantay.
Degmada Kaxda ayaa leh saddex dhibcood, halka Shangaani ay shaqaysatay shan dhibcood.
Guruubkaan ayaa waxaa ka soo baxday kaliya Waabari, iyadoo tartanka ay isaga hartay Yaqshid, halka Dharkeenley laga saaray.
Kooxaha galabta ballansan ayaa tii guul soo baxda waxa ay ku dhici doontaa Degmada Howl Wadaag oo booska koowaad uga soo baxda guruubka C.
Ciyaarta Kaxda iyo Shangaani ayaa ka qabsoomi doonta garoonka Koonis ee ku yaala degmada C/casiis
Gool FM