Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Kullankii ugu horeeyay wareega siddeed dhamaadka ciyaaraha degmooyinka G.Banaadir oo galabta la ciyaari doono

$
0
0

(Muqdisho) 10 Sebt  2018 Waxaa galabta la amba qaadi doonaa ciyaartii ugu horaysay wareega Siddeed dhamaadka tartanka  degmooyinka gobolka Banaadir.

Kullanka galabta ayaa dhex mari doona Waabari  iyo  Boondheere oo xifaaltan kubadeed uu ka dhaxeeyo.

Wiilasha Waabari ayaa 2015 laga qaaday koobka degmooyinka kaddib ciyaar adag ay wajahayn Boondheere, waxaana galabta ay isku arkayaan kullan kala bax ah.

Boondheere ayaa si qoryo tuur  ah ugu soo baxday guruubka C, markii ay isku dhibco noqdeen degmada Kaaran.

Waabari dhankeeda waxa ay si raaxo leh ugu soo baxday guruubka A, iyadoo la timid 10 dhibcood.

Sida jadwalka ku cad Waabari  iyo  Boondheere  Degmadii soo baxdaa waxa ay afar dhamaadka ku dhici doontaa midkood Hodan ama Xamar Wayne tii soo badisaa.

Ciyaaraha siddeed dhamaadka ayaa la soo gaba gabayn doonaa Khamiista ina soo aadan, iyadoo isla Jimcaha la amba qaadi doono wareega Sami Final-ka.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles