Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Qaraxii Maanta oo Sababay in la baajiyo kulankii berito dhex mari lahaa Degmooyinka Hodan iyo Xamar Wayne…(Goorma ayaa dib loo ciyaarayaa?)

$
0
0

(Muqdisho) 10 Sab 2018. Waxaa la baajiyay ciyaartii dhex mari lahayd Hodan iyo Xamar Wayne kullankaas oo ka tirsanaa Wareega Sideed Dhammaadka tartanka Degmooyinka Gobalka Benaadir.

Qaraxii waynaa ee Maanta ka dhacday xarunta Degmada Hodan ayaa sababay in la baajiyo kulamadii beri dhex mari lahaa Hodan iyo Xamar Wayne.

Ugu yaraan 7-ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa ismiidaaminta ahaa uu geystay ruux naftii hure ah oo watay baabuur ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa Gool FM u xaqiijiyay in ciyaarta loo badelay galabta Khamiista.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025