Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Maxaa ku dhacay Taageerayaasha Arsenal????

$
0
0

(London) 21 Sab 2018. Arsenal ayaa looga maadeystay baraha bulshada kaddib markii ay Taageerayaal badan soo xaadiri waayeen kulankii xalay ay ku furteen tartanka Europe League.

Balse Gunners ayaa wax lagu qoslo sheegatay kaddib markii ay ka dhawaajisay inay soo xaadireen taaageerayaal dhan 59,039.

Iyadoo ay jirtay in si cad loo arki karay inay bannaan yihiin kumanaan kursi oo garoonka Emirates, Arsenal ayaa tiradeeda ku saleysay tikidhadii ay iibisay iyadoo xisaabineysa intii Tikidhada heysatay xagaaga iyo dadkii imaan waayay.

Gunners ayaa garaacday kooxda yar ee ka dhisan Ukraine ee Vorksla, balse waxay markale ku guul darreysatay inay ilaashato shabaqeeda oo 4-2 ayay ku badisay.

Kumanaan taageere ayaa go,aansatay inaysan soo xaadirin garoonka Emirates ee kulankii xalay Europe League.

Haddaba waxaa la iswaydinayaa maxay tahay Sababta?

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles