Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Kalsooni ma siin karo Alvaro Morata.”.- Tababare Maurizio Sarri

$
0
0

(Europe) 21 Sab 2018. Abaarta goolal la’aanta Alvaro Morata ayaa sii socota iyadoo uuna shabaqa gaari waayay kulankii xalay ay Chelsea goolka madiga ah uga adkaatay naadiga POAK tartanka Europe League.

Dhaliyaha reer Spain ayaa Saddexleey dhalin karay qeybta hore ee ciyaarta, balse 81-daqiiqo uu ku jiray garoonka ayuu qasaariyay fursado badan iyadoona meesha ka muuqaneyso inay sii dhimaneyso kalsoonidiisa.

25-jirka ayaan wax gool ah dhalin tan iyo kulankii bilowga kal ciyaareedka ee Arsenal, waxaana usbuucyadii dhawaa booskiisa dhexlay Olivier Giroud.

Tababare Sarri ayaa sheegay inuusan kalsooni siin karin Morata balse uu isagu heli karo haddii uu goolal dhaliyo.

“Alvaro Morata waa inuu kalsoonidiisa ku soo ceshtaa hal gool, labo gool amaba saddex,” Sarri ayaa sidaa yiri.

“Anigu ma awoodo inaan kalsooni siiyo isaga.

“Kulankan wuxuu helay saddex ama afar fursadood. Nasiib xumo ayaa heysatay. Waxaan mustaqbalka u rajeynaya inaan caawin karo isaga. Laakiin kalsoonidu waxay la imaan kartaa goolasha.

“Laga yaabee labo gool labo kulan, ma garanayo. Markii ugu horreysay xilli ciyaareedka wuxuu diyaar ku ahaa diilinta ganaaxa. Wuxuu ahaa mid kubbada la socoda oo shaqeynaya.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025