(Greece) 21 Sab 2018. Chelsea ayaa lagu qasbay inay habeen kale dhaxdo dalka Greece kaddib markii la Kansalay duulimaadkii ay ugu soo laaban lahaayeen England sababo la xiriira Cimilada oo xumaa.
Blues ayaa xalay gool madi ah uga adkaatay naadiga PAOK ee ka dhisan dalkaasi kulankoodii furitaanka Europe League.
Kooxda tababare Sarri ayaa qorshenaysay inay dib ugu soo laabtaan Ingiriiska isla habeenkii khamiista.
laakiin waxaa lagu qasbay inay habeen kale ku qaataan Hoteelka Hyatt Regency ee ku yaala Thessaloniki ee dalka Greece.
Galabta ayaa la filayaa in Blues ay dib ugu soo laabato London.
Maurizio Sarri ayaa doonayay in ciyaartoydiisa ay ku soo laabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan si ay isugu diyaariyaan kulanka ay u safrayaan West Ham.
Dib u dhaca ku yimid safarkooda ayaa ka dhigan in Chelsea ay iminka heysato 48 saacadood oo qura si ay isugu diyaariyaan kulanka Premier League.
Gool FM.